Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee Koonfur Galbeed ?

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, dardargelinta adeegyada bulshada, arimaha bini’addanimada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha amniga, gargaarka, xanaanada xoolaha iyo arimaha gudaha iyagoo ka wada hadlay qorshayaasha horumarineed ee socda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada loo fidiyo bulshada reer Koonfur Galbeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku boorriyey xubnaha Golaha Wasiirrada inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo adeegyada bulshada, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan adeeg hufan oo tayo leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.