Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee XFS ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinnada Heerka Waxqabadka Wasaaradaha ee Rubuca 1-aad iyo Rubaca 2-aad ee (Q1- Q2 Ministerial Performance) iyo Qorshaha—Horumarinta Nidaamka Shaqada Golaha Wasiirrada (E-Cabinet System) kuwaas oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta sarsare ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo khubaro.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay safarkii uu tagay maamulka goboleedka Waqooyi Bari,, ayaa bogaadiyay isku duubnaanta shacabka iyo maamulka. wuxuu sidoo kale hambalyeeyay doorashadii qof iyo cod ee ka qabsoontay Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiiradda iyo mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda ku booriyay in ay ku safraan baasaboorka Soomaaliga si loo illaaliyo xurmadda iyo sharafta mas’uulka dowladeed leeyahay, isaga oo boggaadiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji celintii baasaboorka ajnabiga ah.

Golaha Wasiirrada ayaa sixid iyo wax ka badel ku sameeyay magacaabistii xubin ka mid ah xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Xubinka la badeley ayaa ah Mudane Cali Macalin, waxaana lagu badeley xeeldheere sharci Mudane Aadan Kuuloow Macalin Qaasim.

Leave a Reply

Your email address will not be published.