Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada Baarlamaanka ee Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 22-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyey wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan.
Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeega Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhisidda Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka oo ay soo diyaarisey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, waxaana warbixinta labadan hindise sharciyeed Golaha la wadaagay wasiirka wasaaradaasi Mudane Bashiir Maxamed Jaamac.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedyadan weydiiyey wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, oo soo gudbisay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeega Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh labadan hindise sharciyeed inuu soo diyaariyo akhrintiisa labaad islamarkaana dib Golaha ugu soo celiyo si looga doodo.

Leave a Reply