Maxey kawada hadleyn MW ku-xigeenka Puntland iyo taliyaha ciidamada Maraykanka ee AFRICOM?

Boosaaso (Raxanreeb Online) Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Gen. Dagvin Anderson, safiir ku-xigeenka safaaradda Maraykanka ee Muqdisho Justin Davis iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay amniga iyo la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan dagaalka Daacish ee Calmiskaad oo dowladda Maraykanka ay kaalin weyn ka qaadatay. Kulanka waxaa ka qaybgalay taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi, agaasimaha PMPF iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Maraykanka ayaa sidaan oo kale shalay Hargeysa kula kulmay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyagoo sidoo kale booqday garoonka iyo dekedda Berbera.

Dowladda Mareykanka ayaa Puntland ka taageerta howlgalka cirka ee duqeymaha iyada oo qeyb weyn ka qaadata howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad halkasi oo Puntland ay dagaal kula jirto kooxda Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published.