Maxey kawada hadleyn Taliyaha Booliska iyo wefdiga ka socda Masar ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday Dalka Masar.

Kulanka gaar ah oo Taliyaha iyo Masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen sare u qaadista tababarrada la dagaallanka Dambiyada lasiinayo ciidanka Booliska Soomaaliya si ay uga hortagaan falalka lidka ku ah amni darrada, iyo in dowladda Masar ay sii wado taageerada ay siiso Boliiska Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.