Maxey kawada hadleyn wasiir Fartaag iyo safiirka Koonfurta Kuuriya u fadhiya Soomaaliya ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya, Kang Hyung-shik, waxaana kulankaan Wasiirka ku wehliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Jeneraal Sulub Axmed Firin, iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya ee dhinacyada amniga badaha, horumarinta hay’adaha amniga, la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo taageerada farsamo.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfurta Kuuriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal si loo horumariyo amniga, nabadda iyo xasilloonida guud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.