Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tagay Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Xarunta Villa Baydhabo.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda shaqada baaxadda leh ee ay hayaan saraakiisha iyo shaqaalaha taliska, iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada taakuleynta ee lagu taageerayo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.
Taliyaha Taliska Taakuleynta, G/sare Ibraahim Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa Wasiirka uga warbixiyay howlaha talisku hayo iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada taageerada ciidanka.
Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay saraakiisha iyo howlwadeenada dadaalka ay ku bixiyeen taageerada geesiyaasha Xoogga Dalka, isagoo xusay in Wasaaraddu ka go’an tahay xoojinta adeegyada muhiimka u ah guusha dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay saaxiibbada caalamka garab istaaga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan taliska iyo Ciidamada Xoogga Dalka.

Leave a Reply