Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa markale dalka Itoobiya u dirtay wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Waleed A. M. Elkhereiji, waxaana qaabilay wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya Gideon Timothewos, Waleed ayaa dhawaan kasoo laabtay Asmara- Eritrea.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka 2 geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Sacuudiga, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in xiriirkaasi loo qaado heer ka sarreeya kan hadda, xilli gobolka uu wajahayo isbeddello amni iyo siyaasadeed oo waaweyn.
Labada mas’uul waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan nabadda iyo amniga gobolka, arrimo si toos ah u taabanaya danaha Addis Ababa iyo Riyadh, gaar ahaan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo khilaafaadka ka taagan Suudaan.
Todobaad kahor, ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibada Sacuudiga uu tagay magaalada Addis Ababa, iyadoo baraha bulshada lagu wadaagay sidii loo soo dhaweeyey oo lagu tilmaamay mid bahdilaad diblumaasiyadeed ay muujinaysay.

Leave a Reply