Washington (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay inuu Koongareeska Mareykanka u adeegsan doono sidii uu uga falcelin lahaa go’aan ay gaartay Maxkamadda Sare ee Mareykanka, kaas oo laalay amarkiisii madaxweyne ee lagu joojinayay in si toos ah dhalashada Mareykanka loo siiyo qof kasta oo ku dhasha dalka.
Wuxuu ku dooday in Koongareesku dib u qeexi karo macnaha qodobkaas dastuuriga ah isla markaana uu dejin karo waxyaabo ka reebban.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diidday isku daygii Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in carruurta ay gudaha Mareykanka ku dhalaan muhaajiriinta aan haysan dukumenti sharci ah aanay si toos ah u helin dhalashada Mareykanka.
Go’aankii ay maanta soo saartay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa xannibay dadaal lagu doonayay in lagu baabi’iyo xuquuqda carruurta ku dhalata Mareykanka ee ay dhaleen muhaajiriin aan haysan dhalashada Mareykanka ama aan lahayn dukumenti sharci ah, si ay u helaan dhalashada dalkaas.

Leave a Reply