Kismaayo (Raxanreeb Online) Siyaasiyiinta mucaaradka ee madasha samatabixinta iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in kulan uu uga furmo magaalo-xeebeedka Kismaayo, halkaasoo sida ay sheegeen xaalada siyaasadeed ee dalka.
Sida qorshaha uu yahay Shirkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed ee mucaaradka, lana dejiyo istaraatiijiyad wadajir ah oo ku saabsan arrimaha qaran ee mudnaanta leh, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka dalka, sida ay sheegeen xubno kamid ah Mucaaradka.
Qabanqaabiyeyaasha shirka ayaa tilmaamay in kulankan uu daba socdo baaqyo hore oo ay jeediyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo ku saabsanaa wada-hadal iyo wadatashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Goordhaweyd waxaa magaalada Kismaayo gaaray Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo xubno xildhibaano ah oo qeyb ka ah wefdigiisa kuwaasi oo ka geyb galaya shirkan ka furmaya magaalada Kismaayo.
Ammaanka magaalada Kismaayo, ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo waddooyinka ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo sugaya amniga magaalada.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply