Muqdisho: Ciidamo katirsan dowladda oo weerar ku qaaday guriga uu degganaa sarkaal katirsan ciidana Xoogga

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helay weerar maanta ciidamo ka tirsan yihiin Boolis Milatari iyo Haramcad, oo weerar ku qaaday guri uu degganaa sarkaal sare oo lagu magacaabo Jeneraal Dhagacaleen, kaa oo yaalla degmada Xamar Jabab ee gobolka Banaadir.

Ciidanka ayaa la sheegay in gudaha u galay guriga Jeneraalka, waxaana la sheegay in ay jirdileen qaar ka mid ah dhalinyaradii ka tirsanaa istaafka Jeneraalka.

Goob jogayaal ayaa inoo sheegay in sababta ugu weyn ee weerarkaasi loo fuliyey ay ahayd in la doonayey in burburin lagu bilaabo guriga uu degganaa sarkaalkan ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in weli gaadiidka dagaalka iyo askar hubeysan ayaa weli ku sugan gudaha guriga Jeneraal Dhagacaleen.

Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.