MW Xasan Sheekh & Abiy miyaa Roma lagu dhax dhaxaadinayaa ?

MW Xasan Sheekh & Abiy miyaa Roma lagu dhax dhaxaadinayaa ?

Roma (Raxanreeb ) ka dib markii uu cirka isku sii shareeray khilaafka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxwayne Xasan iyo Ra’iisulwasaare Abiy ay isku arki doonaa magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga.

Dhawr jeer ayaa la sheegay in  Abiy Ahmed uu dalbday in ay wada- hadlaan , isaga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya soo loo dhameeyo khilaafka salka ku haya heshiiska is afgaradka ah ee dhaxmaray Somaliland iyo Itoobiya oo cara badan dhaliyay.

Dawladda Talyaaniga ayey wararku sheegayaan inay marti galin doonto shir madaxeed ay isugu keenayso madaxda dalalka Afrika.

In ka badan kala bar dalalka qaaradda ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shir madaxeedkaas oo maalmaha soo socda lagu wado inuu ka billowdo magaalada Roma.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedkaas ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Wararku waxay sheegayaan sheegayaan in ujeddada shirku tahay in dawladda talyaaniga ay dalalkaas Afrikaanka ah kala hadasho qorshaha la yiraahdo Piano Mattei – Qorshaha Mattei .

Sida xogaha ay sheegayaan halkaas waxa la isku arki doona Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed lamana oga kaalinta Abiy ku leeyahay kulankaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.