Israa’iil oo taageertay heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

Israa’iil oo taageertay heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

ADDIS ABABA (Raxanreeb) Safiirka Itoobiya u fadhiya Israa’iil, Tesfaye Yitayih, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Israa’iil ay si wanaagsan u aragto suurtagalnimada in Itoobiya ay hesho saldhig milateri, iyadoo u aragta tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilinta gobolka Geeska Afrika, sida uu yiri.

Intaa waxa dheer, Israa’iil kama soo horjeedo heshiiska dekedda Itoobiya ay la gashay Somaliland, taas oo muujinaysa mowqif taageerada, sida uu sheegayo safiirkan Itoobiyaanka ah.

Danjire Tesfaye oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya (EPA), wuxuu ku nuux-nuux saday dhaq-dhaqaaqyada togan ee mas’uuliyiinta Israa’iil ee ku aaddan hamiga Itoobiya ee ku aaddan gelitaanka tooska ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Mawqifka Israa’iil kaliya ma aha inay dhexdhexaad ka ahaato, laakiin waxay na tusaysaa tilmaan taageero ah. Iyada oo ay ugu wacan tahay iskaashiga soo jireenka ah, Israa’iil waxa ay u aragta aasaaska ciidammada badda ee Itoobiya ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas fursad ay isaga kaashadaan xasilinta gobolka istaraatiijiga ah, ee haddana aan xasilloonayn,” ayuu yidhi Danjire Tesfaye.

Danjirahan ayaa sheegay in xidhiidhka Itoobiya iyo Israa’iil ayaa weli ah mid xooggan, lamana filayo in heshiiska dekedda ee Somaliland uu saamayn taban ku yeesho xidhiidhkooda siyaasadeed iyo mid ganacsiba.

Heshiiska is afgaradka ee Somaliland la gashay Itoobiya oo la saxiixay 1dii Janaayo 2024 ayaa xiisad ka abuuray gobolka Geeska Afrika ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid aan sharci darro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.