Muqdiaho (Raxanreeb) — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa u magacaabay Raisedon Zenenga, oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaas oo noqonaya ku-xigeenka Catriona Laing, Ergeyga Gaarka ah, ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Raisedon Zenenga, ayaa xilkan kala wareegaya Anita Kiki Gbeho, oo u dhalatay dalka Ghana, taasoo uu soo idlaaday howlaheedii Soomaaliya, ka qaban jirtay.
Anita Kiki, ayaa lasoo magacaabay bishii December, 30-keedii 2020 inay noqoto ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ee Soomaaliya, Amniga iyo Siyaasadda.
António Guterres, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa aad uga mahad celiyey Ms. Anita Kiki Gbeho, shaqadii iyo dadaalkii ay ku bixisay shaqada Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya.
Raisedon Zenenga, ayaa leh khibrad dhan 30 sano taasoo uu kasoo shaqeeyay xafiisyada Qaramada Midoobay, oo ay kamid yihiin hawl gallada Qaramada Midoobay, ee dalalka Ciraaq Kuwait Libya, South Sudan, iyo Sierra Leone, sidoo kalena kasoo shaqeeyay xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay.
Mr. Zenenga, ayaa hadda ahaa ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan dalka Libya, halkaasi oo uu sidoo kalena ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo isu-duwaha hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay, ee dalka Libya (UNSMIL) tan iyo sannadkii 2020-kii.
Qaramada Midoobay, ayaa xoogga saareysa sannadihii danbe Soomaaliya, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, muddo dhan 2 mar uu booqasho rasmi ah, ku yimid caasimadda Muqdisho, iyadoo ahayd booqashadii ugu danbeeysay sannadkii tagay ee 2023-kii.
Qaramada Midoobay, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ka taageerta bixinta arrimaha xuquuqul insaanka kusoo daridda howlaha socda Haweenka iyo dhallinyarada, hubinta iyo matalaadda dadka laga tirada badan yahay.