NISA oo Shaati ka weyn loo galiyay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha Wasiirada oo ansixiyay Jiritaanka Hayad la yiraa NISA. Hore dhowr jeer ayaan uga hadalay in eynan Sharci aheyn Hayadda NISA, Haddii Taladaa ey qaateen waan uga mahad celinayaa. Hore waxa ey u aheyd Hayad jiritaankeedu  uuna Sharci aheyn. Qofkastaa oo ey Maxkamad geysana uu ku doodi karo in ey soo eedeysay Hayad aan sharci aheyn. Hadda Jiritaankeeda ayaa la marsiinayaa Habraacii lagu sharciyeey lahaa. Hore waxa ey u aheyd Naag iyo Nin wada nool oo aan is qabin, laakin hadda ayaa dib la isagu mehriyay.

Laakin.

Sharci hoosaadka cusub ee hadda lagu dhisay NISA,  intiisa Badan waa mid Dad gaar ah ey diyaarsadeen, lagana soo Minguuriyay Sharcigii No. 14 ee Soo baxay 15 Feb.1970, ee Dowladdii Kacaanka NSS.( F.S: 1aad). Waxa uu ka hor imaanaa Dastuurka Qaranka, xeerka Federaalka, Demoqaraadiyadda iyo Xuquuqda Qofka.

( Xeerkan Cusubi waxa uu ku xad gudbaa awoodihii Police-ka iyo Maxkamadaha).

Haddii si taxadar leh eyna Golahayaasha Qaranka iyo Madaxweynuhu uga fiirsan inta eynanan si buuxdo u ansixin/ Saxiixin, waxa uu keeni karaa: jabin Dastuur,  Xadgudubyo Xuuqda muwaadinka,  Nabadgalyo daro baahdo iyo kacdoon shacab.waxaana isku mid noqonayo NISA iyo NSS ( F.S: 2 & 3aad)

Qore: Yahya Amir

Leave a Reply

Your email address will not be published.