Beledwayne (Raxanreeb ) War ka soo baxay hay’adda Sirdoonka NISA ayaa lagu sheegay in howl-gal ay ka sameeyay ciidankooda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaa lagu sheegay warka in howlgalada ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada iyo hareerahoed.
Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xubnahaan aragagixisada ah ay doonayeen in ay gobalka Hiiraan ugu tallaabaan gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howl-gal lagu cirib-tirayo kooxda.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xilli uu gobolada dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.
Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hore.
Leave a Reply