Dehran ( Raxanreeb Online) Waxaa sii kordhaya cadaadis ay muujinayaan dowladaha xiriirka dhow la leh dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan sidii ay uga hortagi lahayeen in Israa’iil ay sameeyn ku yeelato geeska Afrika.
Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Maxamed Ishaq Dar iyo dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi ayaa wadahadal ay maanta telefoonka ku yeesheen , waxay xaqiijiyeen muhiimada ay leedahay in la taageerro Soomaaliya si looga hortaggo ujeeddooyinka Israa’iil ee gobolka.
“Suurtagal ma ahan in Israa’iil ay galangal ku yeelato Soomaaliya iyo geeska Afrika, mana lama aqbali karo in la kala jaro dhulka Soomaaliyeed” ayey yiraahdan wasiirrada arrimaha dibadda Pakistan iyo Iiraan.
Iiraan iyo Israa’iil ayaa xiligaan waxaa ka dhaxeeya xiisad dagaal taasi oo salka ku heyso arrimaha Nukleerka ee ay wado Iiran, waxaana arrinkaasi kasoo horjeeda Israa’iil oo dhowr mar weerar culus ku qaaday Dehraan.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda, ayaa qaba in Iiraan ay caqabad u aragto in Israa’iil ay saldhiyo militari ku yeelato Soomaaliya, taasi oo dhibaato ku ah isticmaalka Maraakiibta Iiraan ee badda Cas iyo weerarada Xutuutiyiinta ee ay ku qadaan Talaabiib.

Leave a Reply