Puntland oo ciidamo badan geeysay waqooyiga magaalada Gaalkacyo

Garoowe ( Raxanreeb Online) Maamul goboleedka Puntland ayaa ciidamo aad u badan ku daabulay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo dawladda Soomaaliya ku eedaysay in ay colaad ka hurinayso gobolka Mudug.

Puntland ayaa sheegtay in Koonfurta Gaalkacayo, ay dowladda federaalka ka soo gelinayso hub laga keenay magalaada Muqdisho sida ay shegeen mas’uuliyiin u hadlay Puntland.

Waxa ay intaas ku dareen mas’uuliyiinta, in ciidamo kala duwan ay gaareen jiidaha magaalada Gaalkacayo gaar ahaan waqooyiga magaalada.

Ciidamada Puntland geysay halkaasi ayaa la tilmaamay in ay kor u qaadayaan amniga iyo nabad-galyada magaalada.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa sheegay in ay qabateen  dhar, kabo ciidan iyo saanad kale oo laga soo geliyey dhinaca Galmudug loona waday ciidamo ka amar qaata dawladda Soomaaliya oo ku sugan gudaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.