Puntland oo dhar iyo agab u qeybisay maxaabiista PSF ee xabsiga Garoowe

Garoowe (Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa maxaabiista ka tirsan ciidamadii PSF ee ku xiran Xabsiga Dhexe ee Garoowe, gaarsiiyay agab kala duwan oo loogu talagalay nolol-maalmeedka maxaabiista.

Saraakiisha Asluubta Xabsiga Garoowe, ayaa sheegay in maxaabiista loo qeybiyay dhar, joodariyaal iyo agabka nadaafadda, kuwaas oo qeyb ka ah adeegyada aasaasiga ah ee loo baahan yahay inta ay ku jiraan xabsiga.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay weli taagan tahay xaalad la xiriirta xubno ka tirsan ciidamadii PSF, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ku xiran yihiin xabsiga Garoowe.

Mas’uuliyiinta Asluubta ayaa tilmaamay in agabkan loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee maxaabiista, gaar ahaan dhinacyada nadaafadda, hurdada iyo dharka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.