Qaraamda Midoobay ayaa dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ugu baaqday in lajoojiyo toogashada caruurta ka yar da’da 18-ka Sano.

New York (Raxanreeb online) – Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa Talaadadi shalay ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, in ay carruurta ka yar da’da 18-ka sano ee lagu xakumo dilka toogasho aanan lagu fulin ciqaabtaasi.

Sidoo kale, bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubaysan, iyo guddiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta, ayay ku sheegeen in ay aad uga walaacsanyihiin isla markaana ay si adag u cambaareynayaan xukun dil ahaa oo 17-kii bishi na dhaaftay ee August ee sannadkaan 2024-ka lagu fuliyay afar dhallinyaro ahaa, taas oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Puntland dhallinyaradaasi da’da yaraa ayaa lagu helay danbiyo ay galeen inti ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Dhammaan afarta wiil ee dhalinyarada ahaa ee la toogtay ayay da’doodu ka yareeyd 18 sano, xilliga ay dambiyada galeyeen sida ay xaqiijiyeen guddiga xaqiijinta da’da ee Puntland.

Dhanka kale, Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa bayaankooda ku sheegay, in maamulada Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xasuusinayaan, in axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta, axdiga Afrika ee xuquuqda iyo daryeelka carruurta iyo sidoo kale dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, ay dhammaan ku qeexan yihiin, in ilmo uu yahay qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 18.

Ugudambeyn, Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan carruurta ku xiran xabsiyada dalka , isla markaana loo gacan geliyo Qaramada Midoobay si carruurta looga taageero dhaqan celinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.