Qarax ka dhacay Istanbul oo ay ku dhaawacmeen inkabadan 11 qof

Qarax ka dhacay Istanbul oo ay ku dhaawacmeen inkabadan 11 qof

Istanbul (Raxanreeb) — Qarax ka dhacay waddada caanka ah ee Istiklal Avenue ee magaalada Istanbul ayaa sababay dhaawaca 11 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.

Muuqaallo la soo bandhigay ayaa muujinayay baabuurta gurmadka deg dega ah, kuwa dab damiska iyo booliiska oo ku sugan goobta uu shilku ka dhacay oo ku yaalla xaafadda Taksim ee magaaladaasi ma cadda sababta ka dambeysay qaraxa.

“Waxaa jira tuhuno xooggan oo sheegaya in tani ay ahayd is qarxin, laakiin weli ma hayno war rasmi ah,” Sinem Koseoglu oo ka tirsan Al Jazeera ayaa ka sheegay Istanbul.

Telefishinka CNN Turk ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen.

Waddada ayaa ah waddo ay dadku ku badan yihiin oo caan ku ah dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka, oo ay safnaayeen dukaamo iyo maqaayadaha oo sticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in dukaamada la xiray oo waddadii la xiray.

Qaraxa ayaa dhacay abaare 4:20pm (13:30 GMT).

Koseoglu ayaa sheegay in qaraxan uu ku soo beegmayo naxdin, maadaama aysan dhawaanahan jirin digniino ku saabsan weeraro ka dhaca magaalada. “Laakin tillaabooyin ammaan ayaa aagga ka socday,” ayay tiri.

Wax badan oo lasoco

Leave a Reply

Your email address will not be published.