Qarax uu ku dhintay Abaanduulihii Guutada 14 October oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Awdheegle ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo lala eegtay saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan Miinada oo si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa deegaanada Number 50  iyo sabiib, ayaa lala beegsaday kolanyo uu la socday Abaanduulihii Guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Maxamed Nuur ( Jareere) iyo ciidamo la socday.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka soo baxay degmada Awdheegle kuna sii jeeday degmada Afgooye, sida wararka ay sheegayaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay Taliye Jareere iyo inta badan askartii la socotay, iyada oo intii ku dhaawacantayna  loo soo qaaday isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa kacsan, waxaana  gaaray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya, oo baaritaano kawada halkaasi.

Qaraxan sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku soo aadaya iyada oo saakay dagaal ku biloowday qaraxyo ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda ay ku lee yihiin  deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sawirka Taliyaha geeriyooday

Leave a Reply

Your email address will not be published.