Gaza (Raxanreeb )- Diyaaradaha Israa’iil ayaa markale duqeeyay deegaano ay ku sugnayeen dad u badan rayidka Marinka Gaza , halkaas ciidanka Israa’iil ay noqotay marin ay ku beegsadaan dadka Falastiin.
Duqeyn diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysteen Gaza waxa dilay tobannaan qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 23 qof oo ilaalo u ahaa dadka gargaarka gaarsiinayay Falastiinyiinta.
Sidoo kale dhacdo kale ayaa lagu warrmayaa in ay ku dhinteen 20 qof oo kale kadib weerar lagu qaaday dhisme ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat ee baratamaha Gaza.
Dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa sii socda wali xilli wadahadallo aan natiijo laga gaarin ay ka socdaan Qaahira oo u dhaxeeya Israel iyo Falastiin.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Qatar ayaa rajo badan ka muujiyey, heshiis xabad-joojineed oo dhex mara Israa’iil iyo Xamas, iyo in la sii daayo la-haystayaal dheeri ah
Leave a Reply