Rejo miyaa laga qabaa in xabad joojin ka dhaqan gasho Marinka Gaza ?.

Rejo miyaa laga qabaa in xabad joojin ka dhaqan gasho Marinka Gaza ?.

Gaza (Raxanreeb )- Diyaaradaha Israa’iil ayaa markale duqeeyay deegaano ay ku sugnayeen  dad  u badan rayidka Marinka Gaza , halkaas   ciidanka Israa’iil  ay noqotay marin ay ku beegsadaan dadka Falastiin.

Duqeyn diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysteen Gaza waxa  dilay tobannaan qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 23 qof oo ilaalo u ahaa dadka gargaarka gaarsiinayay Falastiinyiinta.

Sidoo kale dhacdo kale ayaa lagu warrmayaa in ay ku dhinteen 20 qof oo kale kadib weerar lagu qaaday dhisme ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat ee baratamaha Gaza.

Dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa sii socda wali xilli wadahadallo aan natiijo laga gaarin ay ka socdaan Qaahira oo u dhaxeeya Israel iyo Falastiin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Qatar ayaa rajo badan ka muujiyey, heshiis xabad-joojineed oo dhex mara Israa’iil iyo Xamas, iyo in la sii daayo la-haystayaal dheeri ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.