RSF oo lagu jabiyay dagaalka ka socda Suudaan waxa ayna ku dhowyihiin in ay ka baxaan Khartuum

Khartuum (Raxanreeb online) – Ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan ayaa lagu jabiyay dagaalka ka socda dalkaas, waxayna RSF ku dhowyihiin inay si dhammeystiran uga baxaan magaalada Khartuum, taa oo gaarsiinaysa guushii u sarreysay ciidanka militariga Suudaan ee hadda ku sugan koonfurta iyo koonfur-bari Khartuum, kaddib markii ay dhawaan la wareegeen caasimadda gobolka Jasiira.

Sidoo kale, RSF, waxay u muuqataa inay qaadatay siyaasad dib u gurasho ah, iyadoo hadda loo arkaayo inay aag difaac u adeegsan doonaan aagga warshadaha ee Giad oo 80 km koonfurta kaga beegan Khartuum.

Dhanka kale, waxaa hoos u dhacday taageerradii ay heli jirtay RSF, halka militariga Suudaan ay kaalmo militari ka heleen Ruushka, Turkiga , Sacuudiga, Masar iyo Iran, taas oo xoojisay awoodooda militari ee ay ku burburinayaan saldhigyada militari ee RSf oo ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Sikastaba, dagaalka u dhaxeeya ciidamada milatariga dalka Sudan iyo kooxda RSF ayaa galaya sannadkii labaad, waxa uuna dagaalkan sababay dhimashada dad badan oo shacab ah iyo barakac iyo burbur baahsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.