RW Xamsa oo farriin u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku guuleystay in uu sii hoggaamiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo lee yahay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka. sidoo kale hambalyeeyo ayaan lee yahay kalsoonida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u muujiyeen, waxaana u rajeeynayaa in uu si hufan oo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo shaqada iyo doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa.

Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku-duubnida dhow ee ka dhexaysa hay’adaha dowladda gaar ahaan Xukuumadda iyo Barlamaanka, taasi oo mudnaan gaar ah siinaysa dardargelinta qorshayaasha Qaranka.

Doorashadii maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka golaha shacabka, ayaa xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Nuur loogu doortay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo helay 142 cod.

Leave a Reply

Your email address will not be published.