RW Xamsa oo shaaciyay in xukuumadda u guuri doonto jiidaha hore ee dagaalka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayo amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddisu ay u guuri doonto furrimaha dagaalka ee lagula dagaalamayo kooxaha Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

“In dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka, isaga oo faray hey’adaha amniga in ay sii xoojiyaan xaqiijinta amniga caasimadda, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku lagu xureeyay kooxda Al-shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.