Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynihii dowladda KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay , Danjira UK u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.
Labada – masuul ayaa ka wada- hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda dalka , dagaalka ka dhanka ah AS iyo qorshaha wax ka bedelka Dastuurka KMG ah .
War qoraal ah oo Shariif Sheekh Axmed soo saaray ka dib kulankaas ayuu ku yiri sida tan :
“Waxaan maanta kulan wada yeelanay Safiirka Inigriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis, Waxaan ka wada hadalnay Xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada, bixitaanka ciidanka ATMIS iyo Wax ka badalka Dastuurka soomaaliya”.
Intaas waxa u raacsiiyay qoraalkiisa Shariif Sheekh Axmed.
‘’Waxaan isla soo qaadnay in si daahfuran loo wajaho lagana talo galiyo qeybaha kala duwan ee bulshada si kaalin mug leh ugu yeeshaan dhameystirka dastuurka, si looga gudbo xaalada jahwareerka ah ee hadda taagan ‘’
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah masuuliyiin ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo diidan wax ka bedelka Dastuurka ee ay riixaysa Villa Somalia.
Madaxwaynihii hore dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh iyo Farmaajo oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka wada olole xoogan oo ka dhan ah qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka.
Leave a Reply