MUQDISHO : Guddoomiyihii cayaaraha Waaberi oo guriisa lagu toogtay.

MUQDISHO : Guddoomiyihii cayaaraha Waaberi oo guriisa lagu toogtay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Askari  ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku toogtay Guddoomiyahii – cayaaraha degmadaas .

Dilka ka dib waxaa la sheegay inuu baxsaday askariga falkan gaystay kaas oo ku toogtay  hoyga uu deganaa Boorow oo ahaa Guddoomiyaha cayaaraha Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Akariga dilka geestay ayaa la sheegay in uu ka carrooday in boos VIP ah oo katirsanaa garoonka xarunta degmada Waabari shalay galab laga kiciyay.

Ehelada ninka la dilay ayaana ka dalbaday laamaha ammaanka dowladda in ay gacanta kusoo dhigaan dilaa lana geeyo caddaalad, waxaana dhacdadan aad uga naxay bahda ciyaaraha Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah ugu soo badanaya dilalka askarta Dowladda Soomaaliya ay u gaysanayaan dadka shacabka ee ku nool caasimadd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.