Sheekh Cali Wajiis ““Cid kasta oo dowladnimada jirta la dagaalamaysa waa fallaago iyo argagixisada”

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sheekh Cali Wajiis, oo ka mid ah la-taliyaasha madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa hadal adag ka soo saaray dadka iyo kooxaha ka horjeeda dowladnimada Soomaaliya.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in cid kasta oo la dagaallanta dowladnimada jirta loo aqoonsan karo fallaago, isagoo ku tilmaamay in ay la xukun yihiin kooxaha argagixisada ah.

“Cid kasta oo dowladnimada jirta la dagaalamaysa waa fallaago, argagixisada ayey la xukun tahay, waana dil aan ka shaki lahayn,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Hadalka Sheekh Cali Wajiis ayaa si gaar ah u taabanaya doodda ka taagan cidda loo aqoonsan karo inay ka horjeeddo dowladnimada iyo sida loola macaamilayo xubnaha ka hor-yimaada qorshooyinka dowladda dhexe.

Sidoo kale qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa durbo hadalka Cali Wajiis ku tilmaamay mid wax u dhimanaya dowladnimada Soomaaliya, isla markaana iska horkeenaya mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.