Shiinaha oo daah furay shabakad Internet-ka ee 10G

Shiinaha ( Raxanreeb Online) Dowlada Shiinaha ayaa daahfurtay Shabakada internet-ka ee 10G, taasi oo ah tii ugu horeysay caalamka, waxaana si wadajir u sameeyay Shirkadaha Huawei iyo China Unicom.

Adeegani ayaa ah mid xawaarihiisu aad u sareeyo oo aad muuqaalada tayadoodu sareeyaan ee 4K aad ku dejin kartid (dowload) wax ka yar 20 Seconds, iyadoo adeegani aanu ahayn mid Mobile sida 5G, balse uu yahay Fiber loo diyaariyey in lagu isticmaalo xafiisyada iyo Guryaha.

Adeegani cusub ee 10G oo Chinaha ka dhigaya mid ka mid dalalka ugu horeeya dhanka xawaaraha internet-ka ayaa la filayaa inuu waxweyn ka tari doonno Waxbarashada iyo Caafimaadka, maadaama oo dunnidu isu bedelayso hab online ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.