Shir ay ka maqan tahay PUNTLAND oo maalinkii labaad ka socda Dhuusmareeb

Shir ay ka maqan tahay PUNTLAND oo maalinkii labaad ka socda Dhuusmareeb

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Maalinkii labaad waxa magaalada Dhuusmareeb ka soconaya shirka madasha wadatashiga Qaran ee madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyda.

Shirkan ayaa looga hadlayo inta badan xaaladda dalka , iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

Shirkan waxaa ka maqan Dowlad goboleedka Puntland ee uu madaxwaynaha ka yahay Saciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf uga maqan.

Waxaa ku sugan shirka dhamaan madaxda maamul goboleedyada kale kuwaas oo talooyin ku biiranaya shirka si – gaar ah arrimaha howlgalada ee ka socda dalka.

Waa shirkii seddaxaad ee madaxda Dowladda iyo maamul goboleedyada ee uu ka maqan yahay saciid Cabdullaahi Deni isla markaana laga soo saaro qodobo ku saabsan xaaladda dalka.

Gabagabada sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan, waxyaabaha ay isla go’aamiyaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Lamase oga sida ay u dhaqan gali doonaan go’aanada laga saaro shirka markii saddaxaad ay ka maqan tahay Puntland sida ay u dhaqan gali  karaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.