Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay weerarkii khasaaraha badan ka dhashay ee kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen ciidanka Dowladda oo ku sugnaa deegaanka Cowswayne ee galgaduud.
Shariif oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaas oo ay ku dhinteen askar aad u badan kuwaas oo dhaawacyadooda la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.
“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo ‘’ sheegay Madaxwaynihi hore Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan qabashada Ceelbuur.
Weerarkii – ka dhacay deegaanka Cawswayne ee gobolka galgaduud ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badan ee soo gaara ciidanka Dowladda Soomaaliya ee gobolkaas ka wada dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.
Dowladda Soomaaliya faahfaahin dheeraada ah ma aysan ka bixin weerarkaas khasaaraha badan dhaliyay isla markaana abuuray shaki badan oo ku aadan sida uu u dhacay howlgalinta ciidanka.
Leave a Reply