Shirka Dib u Heshiisnta KGS oo Baydhabo ka furmay & shirar siyaasadeed oo halkaas ka socda.

Shirka Dib u Heshiisnta KGS oo Baydhabo ka furmay & shirar siyaasadeed oo halkaas ka socda.

Baydhabo ( Raxanreeb ) Maanta oo Talaada ah waxa magaalada – Baydhabo ee gobolka Baay , ka furmaya shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed , kaas oo ay isku arki doonaan masuuliyiinta maamulka hadda jira iyo xubnaha mucaaradka.

Shirkan waxaa ka qayb- galaya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Baydhabo , oo tan & xalay halkaas ka waday kulamo wada- tashi ah.

Sidoo kale waxaa magaalada gaaray inta badan xubnaha mucaaradka kuwaas oo dhankooda halkaas kulama siyaasadeed ka bilaabay waxaana la filayaa in dhinacyadu ay isugu yimaadaan miiska wada- hadalka si loo dhameeyo khilaafka jira.

Guddiga ayaa Jimcihii iclaamiyay in shirka dib u heshiisiint  uuka furmi lahaa shalay hase ahaatee uu dib u dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.