Saraakiil ku geeriyootay weerar Al- Shabaab ku qaadeen Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Balcad.

Saraakiil ku geeriyootay weerar Al- Shabaab ku qaadeen Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Balcad.

Balcad ( Raxanreeb ) Wararka aan ka helayno degaano ka mid ah degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay salaad subax ka dib weerar xooggan.

Weerarkan ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid gaadma ah oo kooxda Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Xawaadlay ee hoostaga demada Balcad.

Taliyaha guutada 3 aad qeybta 27 aad  Col Abshir Shataqeey ayaa lagu soo waranayaa inuu ka mid ahaa saraakiisha ku geeriyooday weerar ay Shabaab ku  so qaadeen saaka deegaanka Xawaadleey.

Dad ku sugan halka weerarka uu ka dhacay ayaa sheegay in dagaalka uu soo gaaray ilaa waaberiga oo mararka qaar xitaa la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Wixii ku soo kordha kala soco halkan.

Www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.