Muqdisho (Raxanreeb Online) Waxaa goordhaw madaxtooyada Soomaaliya ka furmay shirka watashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Kulankan ayaa looga hadlaya arrimaha doorashooyinka, wax kabedelka dastuurka, abaaraha dalka ka jira, amniga iyo dagaalka Al-shabaab iyo midnimada dalka.
Shirkan ayaa ahaa mid aad loo sugayay muddooyinkii dambe, waxaana la filaya in ay qodobo wax ku all ah ay dhinacyo ka garaan arrimaha ay isku hayaan, waxaana horay u soo dhoweeyay saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply