Shirka golaha wadatashiga qaran oo galay maalintii labaad

Muqdisho (Raxanreeb) — Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galay maalintiisii labaad, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, HirShabelle MD Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Deni ayaa isaguna shirka akaga qeyb-galaya aaladda fogaan aragga, ayada oo maqnaashihiisa ay abuureyso tuhuno hor leh.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada loogu saarayaa saddex qoodb oo kala ah; 1-Sugidda amniga dalka, 2- Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira 3-Iyo la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Villa Soomaaliya.

Sida uu ogaaday Raxanreeb madaxda labada dhinac ayaa xalay yeeshay kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo dooda taagan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta la soo xirayo, ayada oo laga soo saari doono war- murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu maalmihii dambe mad-madow soo kala dhex-galay.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay si weyn u dhaliilsan yihiin dowladda dhexe, gaar ahaan hab dhismiskeeda xukuumadda cusub

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.