Rutu ” Xasan Sheekh waxaan kala hadli doona suuqa Khaadka Kenya ”

Nairobi (Raxanreeb )nMadaxwaynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in ay – ku kulmaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dib markii la caleemo saaro Madaxwaynaha la doortay.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda Caalamka ee beri ka qayb galaysa Caleema saarka Madaxwaynaha la doortay William Ruto .

“Aniga ii daaya qaddiyada qaadka Miraa, waxaan kulan la leeyahay todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya, si aan ula socono suuqyada Miraa,” ayuu yiri Mr. Ruto.

Madaxwaynaha la doortay ayaa sidoo kale sheegay in xoogga uu saari doono sidii suuq wanaagsan Beeralayda Kenya uga heli lahayeen Soomaaliya.

Madaxwayne Ruttu ayaa xusay in Dowladiisa ay la macaamili doonto cid kasta oo ay quseyso arinta Khaadka Kenya.

Mowduucan ayaa ahaa mid uu in muddo ahba muran ka taagnaa, tan iyo markii ay xayiraad kusoo rogtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagi jireen Soomaaliya ka hor xayiraadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.