Siciid Deni oo si kulul uga hadlay aqoonsiga ay heshay Somaliland

Garoowe (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa maanta la shiray siyaasiyiin iyo qaybo ka mid ah bulshada caasimadda ee Puntland oo uu kala hadlay isbeddellada-siyaasadeed ee socda, xaaladda dalka & arrimaha-gudaha Puntland.

Siciid Deni ayaa hoosta ka xarriiqay in aysan gorgortan geleyn midnimada Soomaaliya, wuxuu se adkeeyey in DFS  ay ka shaqaynayso kala-tagga Soomaalida.

“Dowladda Federaalka ayaa loo doortay dalka iyadu ha ilaaliso, markaan ka hadalno xaaladda dalka waa nala ka cowdaa.” wuxuu intaasi raaciyey in Somaliland aysan sidaasi ku tegeyn oo ay tahay in Soomaalidu wada-hadasho”ayuu yiri Siciid Deni.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa indheer-garadka la kulmay u sheegey; in Sanaag ay ciidanka Puntland joogaan, halka Gobolka Sool-na uu xusey in uu qaabilsan yahay Madaxweyne ku-xigeenka oo uu tilmaamay in uu talo ka keeni doono.

Deni, wuxuu tilmaamay in siyaasadda dalka marka ay timaaddo ay Puntland qayb ka tahay Golaha Mustaqbalka oo siyaasado & qorshayaal ka leh doorashooyinka iyo geeddi-socodka aysanna aqbalayn muddo-kororsi oo go’aanno uga meel yaallaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.