Sidee Guudlaawe ugu suurtagashay in socdaal dhulka ah uu ku tago Cadale ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Degmada Cadalle Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Degaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan ah kooxda Al- Shabaab .

Leave a Reply

Your email address will not be published.