SOMALILAND : Xeerka doorashooyinka oo muran ka tagnaa ee la ansixiyay.

SOMALILAND : Xeerka doorashooyinka oo muran ka tagnaa ee la ansixiyay.

Hargaysa (Raxanreeb)-Maanta oo Axad ah   Golaha wiikiilada Somalilanda ayaa meel mariyay sharciga muranka badnaa ka tagnaa ee doorashooyinka.

Xeerkan  ayaa dhaliyay muran badan oo la xiriirta – habka loo maray sida ay ku warameen qaar ka mid ah golaha oo warbaahinta  kula hadlay magaalada  Hargaysa ee Somaliland.

Dib u dhaca faraha badnaa ayaa sidoo kale waxaa ka tagnaa muran badan waxaana lagu dhaliilay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kalfadhigii 16aad kulankiisii 7aad, ee Golaha Wakiiladda Somaliland uuna shirgudoominaayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon, ayaa mudanaayshu Cod aqlabiyadda ku ansixiyeen Xeerarka Dooroshooyinka isku sidkan.

Ansixinta xeerka doorashada ayaa guul ku tilmaamay xildhibaan Maxamed Abiib, isaga oo hoosta ka xarriiqay sii socoshada qodobada qaar ee ku jira xeerkan.

Xeerkan ayaa mucaaradad adag kala kulmay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiinta kale ee matala gobolka Awdal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.