Wasiir Juxa ‘’Xasan Sheekh dowlad dhiska looma dhamo ee gaariga jooji‘’.

Wasiir Juxa ‘’Xasan Sheekh dowlad dhiska looma dhamo ee gaariga jooji‘’.

Garoowe (Raxanreeb )– Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaysa , cadaadis uga  imaanaya dhinacyo kala duwan , waxaana ku fursan khilaafaadyo ugu kala imaanaya  xubnaha  mucaaradka iyo maamulka Puntland.

Hanaanka awood qaybsiga oo ku dhisan Dowladda ayaa waxaa docda kale soo baxaya in Xasan Sheekh looga baahan yahay in meel ku sheego xubnaha wasiirada ee ka maqan awood qaybsiga beelaha.

Waxaa ka mid ah wasiirada maqan ee is casilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Huraase oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland.

Wasiir Juxa  oo bartiisa X qoraal soo dhigay ayaa u diray Xasan Sheekh Maxamuud fariin ku saabsan inuu buuxiyo boosaska ka maqan xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu ku yiri qoraalkiisa.

‘’Mudane Madaxwayne dowlad dhiska looma dhama  ee Gaariga jooji ‘’

Waxa uu sheegay  Juxa  inuu yimaado Xasan Sheekh Maxamuud gogosha wada hadalka si loo xaliyo tabashooyinka jira.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka maqan oo aan la buuxin boosaska kala ah wasiirka arrimaha dibada , wasiirka amniga Qaranka iyo haweenka .

Leave a Reply

Your email address will not be published.