Tanzania ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kula kulmay Magaalada Dares Salaam, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Danjire Mahmoud Thabit Kombo, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagi xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna ballaarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan si loo gaaro horumar labada dhinac ah, loona qoto-dheereeyo wax wadaagga.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo labada dal ah, ayaa lagu caddeeyay ka go’naanshaha labada dhinac ee kor-u-qaadidda iskaashiga labo geesoodka, iyadoo diiradda lagu saarray arrimaha dano wadaagga.
Qodobada ugu muhiimsanaa waxaa kamid ah
fududaynta ganacsiga,
gaadiidka cirka, dal-ku-galka,
iyo isdhaafsiga dhaqanka.
Labada dhinacba waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hagaajinta isku xirka iyo fududaynta isu socodka dadka iyo badeecadaha, iyagoo ku heshiiyey in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka gobolka.
Leave a Reply