Soomaaliya oo digniin ka muujisay adeegsiga teknoolijiyadda cusub ee Argagixisada

New York (Raxanreeb Online) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa sheegay in khatarta argagixisadu ay si joogto ah isu beddelayso, iyadoo kooxaha argagixisada ah ay si degdeg ah uga faa’iideysanayaan horumarka teknoolojiyadda.

Danjiraha ayaa xusay in kooxahaasi ay adeegsanayaan fursadaha ay bixiyaan teknoolojiyadaha cusub, taas oo sare u qaadaysa awoodda ay u leeyihiin inay la qabsadaan xaaladaha cusub iyo inay qaataan habab casri ah oo ay ku fuliyaan howlahooda.

Wuxuu tilmaamay in isbeddelka degdegga ah ee teknoolojiyadda uu caalamka ku qasbayo in dib loo eego hababka loo wajaho khataraha argagixisada, maadaama kooxaha hubeysan ay si joogto ah u raadinayaan habab cusub oo ay kaga faa’iideystaan teknoolojiyadda.

Sidoo kale danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu ay baraha bulshada u adeegsanayaan qorista iyo soo jiidashada xubno cusub, halka barnaamijyada isgaarsiinta ee sirta ah ay u isticmaalaan qorsheynta howlgallada iyo weerarrada.

Danjire Abuukar Baalle ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku si wadajir ah uga hortagto khataraha cusub, iyadoo la horumarinayo awoodaha hay’adaha amniga iyo hababka lagu ogaan karo isbeddellada ku yimaada xeeladaha kooxaha argagixisada.

Soomaaliya, oo muddo dheer dagaal kula jirtay kooxaha argagixisada, ayaa si gaar ah u danaynaysa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga, xog-wadaagga iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli hay’adaha caalamiga ah ay si isa soo taraysa uga digayaan in horumarka teknoolojiyadeed uu keeni karo fursado cusub oo ay kooxaha rabshadaha wata uga faa’iideystaan hawlahooda, taasoo u baahan jawaab amni oo la jaanqaadda isbeddelladaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.