Soomaaliya oo qorsheyneysa inay 2027 Dayax-gacmeed u dirto hawada sare

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay qorsheyneyso inay sannadka 2027 markii ugu horeeysay Dayax-gacmeed u dirto hawada sare, taas oo noqon karta tallaabo muhiim ah oo ku aaddan horumarinta barnaamijka hawada sare ee dalka.

Safiirka ayaa sheegay in Turkigu uu Soomaaliya kala shaqeynayo mashaariic la xiriira hawada sare iyo Tiknolojiyada Dayax-gacmeedyada, iyadoo labada dal ay doonayaan in iskaashiga dhinaca farsamada iyo aqoonta loo ballaariyo.

Haddii qorshahan la fuliyo, Soomaaliya waxay ku biiri doontaa dalalka Afrika ee adeegsanaya tiknoolajiyadda dayax-gacmeedyada si ay uga faa’iideystaan dhinacyada isgaarsiinta, saadaasha cimilada, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, beeraha iyo la socodka deegaanka.

Sidoo kale, dayax-gacmeedku wuxuu Soomaaliya siin karaa fursado cusub oo la xiriira xog-ururinta iyo kormeerka dhulka, gaar ahaan iyadoo dalka uu leeyahay dhul ballaaran, xeeb dheer iyo khayraad dabiici ah oo u baahan xog casri ah oo joogto ah.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee arrimaha hawada sare ayaa sidoo kale qeyb ka noqon kara xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal, iyadoo Turkigu uu sanadihii u dambeeyay kordhiyay maalgashiga iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya dhinacyada dhaqaalaha, amniga, waxbarashada iyo teknolojiyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.