Soomaaliya oo si kulul u cambaareeysay weerarkii lagu qaaday dalka Kuwait

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay garab istaagan tahay dowladda Kuwait, kaddib weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday dhulkeeda.

Bayaan kasoo baxay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in si adag u cambaareyneyso weerarrada lagu qaaday Kuwait.

“Waxayna markale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madaxbannaanida, amniga, xasilloonida, iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Kuwait. Falalkan waxay halis ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, waxayna ka hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda.

Sidoo kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ayaa tilmaamtay in ay si buuxda ula taagan tahay Dowladda iyo shacabka Kuwait, iyadoo ku baaqday  in la muujiyo is xakameyn, wada-hadal, iyo xal diblomaasiyadeed si looga hortago sii xumaanshaha xaaladda loona ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.