Soomaaliya oo xaqiijisay in ay ka go’an tahay xoojinta amniga Badda

Brussels ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka hadlay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, iyo xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga.

Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig, isaga oo tilmaamay in ay yihiin xudunta xasilloonida caalamiga.

Waxa uu sheegay in marinnada labada bad ay xoojiyaan ganacsiga caalamiga iyo shabakadaha dhijitaalka, weyninka bedka ay ku fadhiyaanna ay taageero u tahay nolosha malaayiin qof.

Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in aan dal keli ahi waxba ka qaban karin caqabadahani. Waxa uu sheegay in amnigu uu isku xiran yahay, barwaaqaduna la wadaago, isaga oo ku baaqay in la sameeyo fal-celin iswaafaqsan oo ku dhisan xushmad-is-dhaafsi, mas’uuliyad wadaag, iyo iskaashi wax ku ool ah.

Geesta kale Wasiirka oo ka hadlay arrinka Soomaaliya, ayaa waxa uu sharaxay in xeebaha dalka ay ka mid yihiin xuduudaha badda ee ugu istiraatiijiyadda badan gobolka, isaga oo yiri “Soomaaliya waxa ay dib u dhisaysaa awooddeeda badeed, xoojineysaa maamulidda biyaheeda, qoto-dheeraynaysaa iskaashiga ay la leedahay gobolka si loo ilaaliyo waddooyinka ganacsi ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo xiray muhiimadda ah in la hubiyo in wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig midkoodba kan kale uu xurmeeyo madax-bannaanidiis, qarannimadiisa iyo midnimadiisa, lana qiimeeyo iskaashiga, dal kastaba yeesho cod la siman kan kale oo qaabaynaya mustaqbal wadaagga . Waxa uu mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee la shaqeynta dhammaan bah-wadaagta si loo gaaro hiigsiga wadajirka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.