Soomaliya iyo Cumaan oo kawada hadley xoojinta iskaashiga labada dal

Cumaan ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa wadahadallo la yeeshay Sayid Badr bin Hamad Al Busaidi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Saldanadda Cumaan, kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muscat, intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalkaas.

Wadahadallada ayey Wasiirradu diiradda ku saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga, si loo adkeeyo iskaashiga soo jireenka ah iyo danaha wadaagga ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah oo lagu horumarinayo amniga, xasilloonida, iyo horumar waara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Sayid Badr Al Busaidi, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada adag ee dalkiisa uu u hayo midnimada, madax bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale waxaa uu caddeeyay mowqifka Cumaan ee ah in aan la aqoonsan karin wax kasta oo ka baxsan nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan,ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Cumaan doorka diblomaasiyadeed ee wax ku oolka ah iyo dadaallada ay ku bixiso dhiirrigelinta wada hadalada, dib u heshiisiinta, iyo xasilloonida gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.