Dimishiq ( Raxanreeb Online) Tan iyo markii uu Bariga Dhexe dagaal lagu hoobtay ka dhacay, isla markaana dalalka Khaliijka ay soo wajahday dhibaato dhaqaale oo sameeyn ku yeelatay dalalkaas, ayaa hadana waxaa jira dalka ka faai’iday xaalada Bariga Dhexe.
Dowladda Suuriya, ayaa dhaqaalo badan ka sameysay inta uu socda dagaalkii Bariga Dhexe ee biloowday 28-kii Feberaayo ee sannadkan, kaasi oo u dhaxeeyay Mareykan, Israaiil iyo Iran, waxaana uu sameeyn ku yeeshay duulimaadyadii caalamiga ah.
Waxaana la tilmaamay in fursadaas ay ka faai’ideysatay Dimishiiq, oo hawadeeda ay si nabad galyo ay u isticmaalayeen duulimaadyada caalamiga ah.
11,801 Duulimaad ayaa maray hawada Suuriya bishii May. Waxaana la tilmaamay in ay tahay labo jibaar duulimaadkii hawada dalkaasi mari jiray ka hor colaada, sida lagu sheegay warbixinta waxaana tirade duulimaadyada xiligaas uu ahaa 4,267.
Waxaana la sheegay in farriintan ay muujineyso dib u soo laabashada kalsoonida hawada Suuriya oo muddo 14 sanno loo aqoonsaday mid khatar ah.
Sidoo kale Suuriya, ayaa la sheegay in ay heshay lacag dhan 10 milyan oo doollar isticmaalka hawadeeda, iyada oo lasii saadaalinayo in dhaqaalaha uu intaas ka badan karo.

Leave a Reply