Trump oo ka hadlay toogasho ka dhacday Marakeynka

Washington (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu daawaday muuqaal laga duubay toogashada haweeneydii Minnesota ay ku toogteen askarta ICE, isagoo ku tilmaamay muuqaal daawashadiisa “laga argagaxo”.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, wuxuu sii raaciyay in haweeneyda la toogtay ay ahayd “mid jahwareersan, oo iska caabinaysa, Sarkaal ICE, kaas oo uu sheegay inuu u muuqay mid si toos ah isu difaacaya”.

Fiidiyowyo kala duwan oo laga duubay dhacdadan ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana aan ilaa hadda caddayn heerka gaaray in askariga toogto haweeneydaas.

“Arrintan si dhamestiran ayaa loo baarayaa, laakiin sababta ay dhacdooyinkan u dhacayaan ayaa ah, in ururada xagjirka ah ay hanjabayaan, isla markaana ay bartilmaameedsanayaan saraakiisha iyo wakiilada ICE maalin kasta,” ayuu Trump intaa raaciyay.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dadka Mareykanka inay ciidanka ka difaacaan “dhaqdhaqaaqan xagjirka ee rabshadaha iyo nacaybka”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.